Weeraro laga cabsi qabo inay ka dhacan Somalia & Digniino culus oo lasoo saaray

0
252

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniino dhanka amaanka ah oo ku socda muwaadiniinteeda u socdaala Somalia.
Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa waxaa muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay u dalxiis tagaan Somalia sababo la xiriira dhanka ammaanka.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in socdaalkooda Somalia ay suuragal tahay inay la kawsadaan dhibaato amni darro sida weeraro, dilal iyo afduub.
Digniinta loo diray muwaadiniinta ayaa ah mid ku socta guud ahaan Gobolada Somalia oo ay ka mid yihiin deegaanada Somaliland iyo Puntland.
Sidoo kale, waxaa looga digay in ay ka agdhawaadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, halkaasi oo ay sheegeen in ay ka dhici karaan weeraro Argagixiso ah, sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka kuwooda ku sugan Somalia loogu baaqay inay ka baxaan oo ay aadan wadamada nabdoon.
Dhinaca kale, digniintan ayaa imaaneysa, xilli Al Shabaab Sabtidii ay weerar ku qaaden xarunta Otto Otto oo ay dagan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Weeraro laga cabsi qabo inay ka dhacan Somalia & Digniino culus oo lasoo saaray

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.