WENGER OO PREMIER LEAGE KU MACSALAAMEEYAY ISKOOR CAJIIB AH.

0
195

Shalay waxa ay ahayd  maalinkii ugu dambeeyay ee macalin Arsen Wenger uu hogaamiyay kooxda Arsenal waxaana kulan aad u xiiso badan ay la qaateen Huddersfield Town.

Arsen Wenger waxaa uu jabiyay Record-cajiib ah kaa oo ku aadan in uu soo gaba gabeeyay fashilkii xili ciyaareedkan kooxdii Gunners Arsenal ka haystay in ay garoomada banaanka ah ku badiso.

Huddersfield Town ayaa waxaa kulankaasi  ay  ku xaqiijisay in ay kusii nagaanayso ka ciyaarista Horyaalka Premier Leage iyaga oo si wayn ugu dabaaldagay guushaasi muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa labada koox ay si wayn u macsalaameeyeen macalin Wenger oo Waayo aad u dheer ku soo qaatay garoonka Fly Emarates.

Arsen Wenger waxaa  Record-kaasi uu jabiyay horay u dhigay sir alex Farguson oo horyaalka premier leage inta uu joogay horay uga sameeyay iskoorkaasi cajiibka ah.

Sir alex farguson waxaa horay  Garoon aan kiisa ahayn uu ku badiyay 47 jeer balse Arsen Wenger ayaa isna waxaa uu badiyay 48 jeer taa oo uu ku macsalaameeyay kooxda mudada dheer uu soo hogaaminayay.

Shalay waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay Xili ciyareedka 20017-2018-ka ee horyaalka Premier Leage.

Waxaa horyaalka Goor sii horaysay ku guulaysatay Kooxda Man City oo bandhig waalan soo bandhigtay Xili ciyaareedka lasoo gaba gabeeyay .

sidoo kale kulamada shalay waxyaabihi laga bartay waxaa kamid ahaa in kooxda Chalsea si sharaf dhac ah ay guuldaro xanuun badan ay kala kulantay kooxda Newcastle.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay kamid noqotay 4ta koox ee kala saraynta horyaalka ku dhamaystay islamarkaana xili ciyaareedka nasoo aadana aadi doona ka qayb galka Champions Leage.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.