Weriye caan ah, Cawil Daahir Salaad oo ka mid ah dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

0
311

Daadihiyihii bandhigga Dood Wadaag ee telefishinka Universal, Cawil Daahir Salaad iyo saddex howlwadeen oo katirsan isla telefishinkaan ayaa Ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho Maanta.

Labo qarax oo ka dhacay nawaaxiga tiyaatarka qaranka ayaa waxaa Ku dhintay dad shacab ah oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin iyo illaalo gudoomiye kuxigeenka ammaanka Maxamed Tuulah — oo la sheegay in uu dhaawac fudud soo gaaray.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo jug-culus, uuro cirka isku shareertayna bixiyey ayaa sababay burbur dhismeyaal, In kasta oo aay ciidamada ammaanka oo heegan kujiray aay  hor-istaageen kooxda falkaan geysatay laakiin aay is-qarxiyeen.

Waxaa la rumeysanyahay in qaraxyadaan aaysan ka dhicin meelihii loogu tala-galay iyo wakhtigii loo qabtay, kadib fashil kuyimid markii aay ciidamada ammaanku kashakiyeen aayna  gudbi waayeen.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.