WIIL SOOMAALI AH OO KU GUULAYSTAY TARTAN TAARIIKHI AH.

0
169

Orodyahan da’yar oo Soomaali ah ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey tartan lagu qabtay waddanka Jarmalka, kaas oo uu koobka si layaab leh uga horqaaday in ka badan 3000 (saddex kun) oo orodyahan.
Cabdiraxmaan Maxamed Faarah ayaa ka qayb-galay tartanka 10 kiilomiri ee ciyaaraha gobollada waddanka Jarmalka, kaas oo lagu qabtay magaalada Heidenheim.
Cabdiraxmaan oo u warramay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool ayaa sheegay in orodyahanno ay tiradoodu ka badnaayeen 3,000 qof ayaa sheegay inay u suurtogashay inuu ka guuleysto saddex kun oo orodyahan oo xirfadleyaal ah, taasina ku dhiirigelisay inuu dedaalka sii wado.
 
Cabdiraxmaan oo ah orodyahan karti iyo xirfadba leh, isla markaana xawaarihiisu dheereeyo ayaa waxa uu 10-ka kiiloob mitir ku orday 37 daqiiqadood oo kaliya, taas oo ka dhigan inuu ku dhowyahay ciyaaryahannada orodka badan sida Mo Farah.
Cabdiraxmaan oo ka jawaabayey su’aal shabakadda ciyaaraha ee cadalool ka weydiisay tartanka uu ka qayb-galay, inta uu ku orday iyo halka uu ka dhacay, waxa uu yidhi: “Tartanka aan galay waxa uu ka dhacay magaalada Heidenheim ee wadanka Germany masaafada aan ordayna waxay ahayd 10km waxayna igu qaadatay 37 minute”
Cabdiraxmaan waxa uu qiray in tartankaasi ahaa mid adag, hase yeeshee uu dhamaadkii noqday shakhsiga tartanka ee koobka la guddoonsiiyey, waxaanu yidhi: “Walaahi tartan adag ayuu ahaa laakiin ugu danbayn waan ku guulaystay.”
Mar aanu weydiinay inuu hore uga qayb-galay tartan orod ah, waxa uu Cabdiraxmaan ku jawaabay: “Haa way jireen tartamo kale oo aan badiyay laakiin sida kan umay waynayn.”
Bisha dambe horraanteeda waxa uu Cabdiraxmaan ka qayb-geli doonaa tartanka kale oo orod ah oo ka dhici doona waddanka Jarmalka, kaas oo uu sheegay inuu rajaynayo guul, waxaanu yidhi: “Insha Allah tartan kale ayaan 1-da July ka qayb-gelayaa.” ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee, Cabdiraxmaan Maxamed Faarax ayaa waxa uu hiigsanayaa inuu noqdo shakhsiga Soomaaliga ah ee beddeli doona Mo Farah oo sumcad badan usoo hooyey waddanka Ingiriiska iyo soomaalidaba.




READ MORE FROM THE SOURCE: WIIL SOOMAALI AH OO KU GUULAYSTAY TARTAN TAARIIKHI AH.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.