WUU KU DAAYAY: Jose Mourinho Oo Todobaadka Dhegta Dhiiga Loo Darayo Iyo Michael Carrick Oo Si Ku Meel Gaadh Ah U Qabanaya Shaqada Red Devils.

0
52

War wayn oo cusub ayaa ka soo kordhay xaaladii Jose Mourinho ee Manchester United iyada oo hadda la soo gaadhay waqtigii ay boodhka kooxda Red Devils go’aanka ka gaadhi lahaayeen xaaladiisa mustaqbal kadib waqti dhib badan oo ay xili ciyaareedkan soo qaateen.
Wargayska Daily Mirror ayaa soo bandhigay qaabka go’aanka boodhka Manchester United iyada oo aan mustaqbalka Mourinho lagu xidhin wax natiijooyin kulamada soo socda ah. Man United ayaa caawa fiidka soo dhawaynaysa Newcastle United oo aan wax guul ah soo gaadhin xili ciyaaareedkan, balse natiijada kulankan ayaa ka hor la sii gaadhay go’aanka Mourinho dhegta dhiigo loo darayo.
 
Waxa kale oo warbixintan cusub lagu sheegay in Michael Carrick uu noqon doono tababaraha cusub ee ku meel gaadhka ah ee Manchester United inkasta oo wali Zinedine Zidane uu yahay tababaraha ugu cad cad ee booska Mourinho si rasmi ah ula wareegi doona.
Daily Mirror ayaa shaaciyay in boodhka Manchester United ay haddaba go’aan ka gaadheen isla markaana ayna natiijada kulanka Necastle United wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aankooda iyaga oo haysta cadamaymo buuxa oo ay Mourinho ku caydhinayaan.
Boodhka Man United ayaa natiijo xumada kooxooda iyo khilaafka uu Jose Mourinho la galay ciyaartoyda kooxdiisa waxay u noqdeen labada qodob ee ay go’aankan ku qaateen, taas oo keenaysa in saddex sano gudahood markii saddexaad Mourinho uu la kulmayo shaqo ka caydhin.
Michael Carrick oo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ka fadhiistay kubbada cagta ayaa qayb ka ah shaqalaaha tababarka ee Manchester United waxaana la doonayaa in qaabkii Ryan Giggs ee waqtigii David Moyes la caydhiyay uu si ku meel gaadh ah shaqada Old Trafford u sii qabto inta ay maamulka kooxdiisu helayaan badalka tooska ah ee Mourinho.
Si kastaba ha ahaatee, xaalada Jose Mourinho ayaa ah mid la go’aamiyay sida uu Mirror sheegayo isla markaana lagu go’aan qaatay natiijooyinkii hore gaar ahaan kulankii Valencia ee ay Man United barbaraha niyadjabka ah gashay iyada oo hore guuldaro xun ugala soo kulantay West Ham United.
 




SOURCE: WUU KU DAAYAY: Jose Mourinho Oo Todobaadka Dhegta Dhiiga Loo Darayo Iyo Michael Carrick Oo Si Ku Meel Gaadh Ah U Qabanaya Shaqada Red Devils.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.