XAAF waa inuu Madoobe iyo Gaas wax ka bartaa!

0
298

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Villa Soomaaliya mana heshiiyaan mana kala adkaadaan, Ma Villa Somaliya ayaa nabadda didan mise Xaaf ayaan dagaalka aqoon?.
Madaxweynaha Galmudug ayaa mar kale afka labadiisa yeeray isagoo Villa Soomaaliya ku eedeeyay inaaney wax caawimaad ah siinin maamulkiisa iyo iney wali faragalin ku wadaan, arrintaan waxey soo jiitameysay muddooyinkii lasoo dhaafay, marar badan saxaafadda waxey faafisay in Xaaf iyo madaxtooyada heshiiyeen laakiin ilaa iyo hadda midaasi ma muuqato.
Ma jiro maamul goboleed uu heshiis kala dhaxeeyo Villa Soomaalia, laakiin madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland uma cabaadaan sida hogaamiyaha Galmudug, wax cabsi ahna kama qabaan dagaal kaga yimaada Villa Soomaaliya, waxeyna ku guuleysteen iney iska xakameeyaan dhaq-dhaqaaqeeda, tusaale: Axmed Madoobe wuxuu laba jeer diiday taliyayaal ciidan oo Villa Soomaaliya u dirtay Jubbaland, wuxuuna xannibay dhaq-dhaqaaqyadii badnaa ee ay dowladda ka sameyn laheyd deegaanadiisa, si la mid ah Gaas wuxuu ku guuleystay inuu heshiisyo shaqsi ah la gaaro dowlado iyo shirkado madax banaan
Xaaf wuxuu ku guuldareystay inuu ama toos ula heshiiyo Villa Soomaaliya ama toos ula dagaalo oo uu deeganadiisa ka mamnuuco dhaq-dhaqaaqooda iyo amaradooda, hogaamiyaha Galmudug waxaa la gudboon inuu madaxda Jubbaland iyo Puntland kaga daydo hanaanka ay ula macaamilayaan Villa Soomaaliya.
Siyaasadda waa dano isku xiran ilaa hadda Xaaf dantiisa ah iyo mid Galmudug ah ugama dhex jeedo Villa Soomaaliya, hadana sidaas oo ay tahay wuu ku dhici kari la’yahay inuu ula macaamilo sida Gaas iyo Axmed Madooba.
Dadka Galmudug kasoo jeeda inta badan waxey aad u dhaliilsan yahiin siyaasadda Madaxweyne Xaaf kaas oo aaney dowladiisa sidii loo baahnaa u shaqeyn ilaa hadda mar walbana sheega in faragalin looga hayo Villa Soomaaliya hadana aan go’aan cad qaadan karin.
W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: XAAF waa inuu Madoobe iyo Gaas wax ka bartaa!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.