XAALADA CAAFIMAAD EE SIR ALEX FERGUSON OO IS BADAL UU KU YIMID.

0
209

Macalinkii hore ee kooxda Man United Sir Alex Fergusan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in isbadal haatan laga dareemayo tan iyo markii dhawaan markii Qaliinka looga sameeyay Dhanka Maskaxda.

Dad goob joogeyaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in haatan Sir Alex Fergusan uu soo hagaagayo caafimaadkiisa islamarkaana uu ku kaftamay in uu doonayo in uu u duulo magaalada Kiev si uu goob joog uga noqdo daawashada Ciyaarta Finalka Champions leage ee dhexmari doonta 26ka bishaan kooxaha Liverpool iyo Realmadrid waana mid cadaynaysa in xaalad xun uusan ku jirin Ferguson.

Wiil uu dhalay tababarahan oo lagu magacaabo Darren Ferguson ayaa waxaa uu wargayska the sun u xaqiijiyay in aabihii uu ka baxay xaaladii Khatarta ahayd ee uu ku jiray ka hor inta aan Qaliinka lagu samayn.

Uuna rajo badan ka qabo in dhawaan laga soo saaro cisbitaalka uu maalmihii ugu dambeeyay ku jiray.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.