Xaaska Khashoggi oo baadi-goob ugu jirta Meydka Seygeeda & Sacuudiga oo dalab loo diray

0
232

Muqdisho (Caasimada Online)-Hatice Cengiz oo aheyd Xaaskii Jamaal Khashoggi ayaa hadalkaas ka sheegtay isku soo bax loogu baroor diiqayey Saxafigaasi oo lagu qabtay Caasimada London ee Britain.Isku soo baxa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dad u dooda xuquuqda suxufiyiinta oo aad uga carooday dilka Jamaal Khashoggi.“Jamaal wuu ogaa inay waajibkiisa tahay inuu noqdo codka dadka aan codka laheyn” ayey u sheegtay dadkii ka qeybgalay baroordiiqda.Hatice Cengiz, waxay kaloo sheegtay inay dooneyso inay mar kale ogaato halka uu yaalo Meydka Seygeeda, waxayna carabka ku adkeysay in maamulayaasha Sacuudiga ay yaqaanaan halka uu yaalo Meydka.Waxay kaloo Sacuudiga ka codsatay inay kasoo jawaaban codsiga.Dhinaca kale, Wareysi ay Hatice Cengiz siisay Reuters waxay sheegtay inay waajib tahay in lasoo wareejiyo mas’uul kasta oo ku lug lahaa fulinta iyo amarka lagu dilay Seygeeda isla markaana la horkeeno cadaalada si loo ciqaabo.Dhinaca kale, waxay kaloo sheegtay in dilka Seygeeda  uu ka dhacay Qunsuliyada isla markaana dowlada Sacuudiga ay ogtahay wixii ka dhacay halkaas.Xigasho. AlJazeera + ReutersCaasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com




SOURCE: Xaaska Khashoggi oo baadi-goob ugu jirta Meydka Seygeeda & Sacuudiga oo dalab loo diray

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.