Xabi Alonso”Spain Hal Sabab Ayay ugu Sharaxan tahay ku guulaysiga Koobka Aduunka.

0
165

Xiddiga khadka dhexe ee Xabi Alosno ayaa xulka qarankiisa Spain u arka xulka ugu cad-cad in uu kor u qaado koobka adduunka Russia 2018 markii 2-aad ee taariikhdooda kadib markii ay horay ugu guulaysteen 2010.

Xabi Alonso ayaa ka hadlay sababaha uu xulka Spain sida aadka ah ugu sharaxan yahay isaga oo la hadlaya wargayska Bild ayuu yiri”Spain ayaa ah xulka 1-aad ee ugu sharaxan ku guulaysiga koobka adduunka, ma jiro xul naga fiican wakhti xaadirkan”.
“Spain ayaa diirada saartay in ay ku ciyaarto si awood leh waxana ay leeyihiin kayd adag oo go,aamin kara kulan dhan, sidoo kale ayaynan iloobin in ay ku jiraan xiddigo khabiiro ah oo kor u soo qaaday koobka iyo waliba xiddigo da,yar ah oo tayo fiican leh”.

Xabi ayaa hadalkiisa ku soo xiray” waxa jira xulal kale oo u sharaxan sida Germany, hadii ayna semi-finalka soo gaarin waa lama filaan waayo xulka difaacanaya koobka, sidoo kale ma iloobi karno xulalka Brazil,France iyo Argntina”.
Xabi Alonso ayaa ka mid ah shaxda Rasmi ah ee xulkii Spain ee ka yaabsaday adduunka sanadihii 2008,2010 iyo 2012 kuna guulaystay koobka adduunka iyo labada koob ee yurub.

 






READ MORE FROM THE SOURCE: Xabi Alonso”Spain Hal Sabab Ayay ugu Sharaxan tahay ku guulaysiga Koobka Aduunka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.