Xagee iska arkeen VOA iyo Villa Somalia (Arrin xasaasi ah oo lagu eedeeyey VOA)

0
370

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Maxamed Cali ayaa weerar culus ku qaaday laanta Af-Soomaaliya ee VOA, oo uu sheegay inay taageerto argagixisada.Cabdi Saciid ayaa saddexdii maalmood ee tagey bartiisa twitter soo dhigayey qoraallo is-daba joog ah oo ka dhan ah idaacadda VOA, kuwaasi oo uu billaabay kadib markii weriye Haaruun Macruuf uu warbixin ka qoray in kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ay ganacsatada Soomaaliyeed ka qaataan lacag baad ah.“VOA waxay buun-buunisaa ficillada dambiyeed ee kooxda Al-Shabaab si ay xaalad argagax ugu abuurto qalbiyada dadka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri mid ka mid ah qoraalladiisa.“Waxaa jira xiriir cad oo ka dhaxeeya wararka VOA Somali ee la xiriira argagixisada iyo sida wararkaas ay u horseedaan weeraro cusub” ayuu Cabdi Saciid ku yiri qoraal labaad.Isaga oo sii wada weerarkiisa ayuu mar kale soo qoray “Habka loo weriyo xasuuqa ay gaystaan argagixisada waxay saameyn ku yeelataa halka ay gaarto borobogaanka argagixisada. Sawirrada iyo wararka halka dhinac u janjeera ee VOA Somali waxay magac usii yeelaan kuwa raadinaya inay hor-istaagaan horumarka Soomaaliya, waxaana ka faa’iideysta argagixisada.“Waxaan u malauynaa VOA Somali waxay u baahan tahay dib u eegis ku saabsan sida ay u sheegaan wararka argagixisada oo xaaladda Soomaaliya ka dhiga mid sii xun. Dhibanayaasha argagixisada waa dad dhab ah oo uu baahan in warkooda loo weriyo si la mid ah kuwa argagixisada” ayuu yiri.Idaacadda VOA wax jawaab ah kama aysan bixin dhammaan qoraalladan uu ku weeraray Cabdi Saciid.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xagee iska arkeen VOA iyo Villa Somalia (Arrin xasaasi ah oo lagu eedeeyey VOA)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.