Xannuunka Gaaska ama Gaastiriko iyo sida loo daweeyo (Gastritis – Stomach or Peptic Ulcer)

0
1984

Xannuunka Gaaska ama Gaastiriko iyo sida loo daweeyo (Gastritis – Stomach or Peptic Ulcer) waa cudur ku dhaca uur-kujirtada qofkuna uu xannuun, hur, holac, dibiro, kuleel iyo laabjeex ka dareemo caloosha ama bogga. Waa cudur boqolaal kun oo Soomaali ah aay la il-daranyihiin.

Waxaan rabnaa inaan soo bandhigno BAARITAAN kusaabsan xannuunkaan, sidii loo daweyn lahaa amaba looga hortagi lahaa.

Xogtaan waxaan kasoo urruurinay Isbitaallada iyo dhakhaatiirta  dunida ugu wanaagsan, boggag internet oo la isku hubo iyo xog qoraageena arrimaha caafimaadka. Fadlan xog internet-ka aad ka heshay marna yaa aaysan kuu bedelin dhakhtar.

WAXYAABAHA SABABA AMA KEENA GAASKA
Xanuunkaan waxaa keena arrimaha soo socda sida aan kasoo dheeyganay bogga SomaliDoc
1. Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
2.  Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.
3. Aalkolo cabbid
4. Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

CALAAMADAHA AMA ASTAAMAHA LAGU GARTO CUDURKA

Ruuxa qaba Gaaska waxa uu dareemi karaa dhamaan calaamadaha soo socda ama qaar ka mid ah

1. Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
2.  Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)
3. Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
4.  Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
5. Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
6. Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
7. Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
8. Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
9. Warwareer ama dawakh (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiigyari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

DAWEYNTA, KA HORTAGIDDA IYO TALLOOYIN

Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
1. Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
2. Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysaniyo wixii la shiilan oo idil
3. Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
4. Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada ono buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa halis, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad cabtaa caano aan dhannaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aashitada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka halis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.


Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?
Waa su’aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska.

Ebbe ha caafiyo inta jirran ama xannuunsan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.