XAQIIJIN. MOURINHO OO SHAACIYAY WAR NAXDIN LEH OO KU AADAN LUKAKU.

0
215

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dhagta loo raaricinayay natiijada kasoo bixi karta dhawaca uu qabo xidiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United Rumelu Lukaku kaa oo natiijada kasoo baxday ay si wayn uga naxeen Jamaahiirta United.

Jose Mourinho ayaa Shaaciyay  in Xidigiisa muhiimka ah ee Rumelu Lukaku uu Garoomada Seegi Doono labada kulan ee ka harsan Horyaalka Premier Leage.

Kulankii kooxda ay la ciyaartay Arsenal ayaa waxaa xidigan Kuraanta kasoo gaaray Dhaawac halis ah  taa oo ugu dambayn la shaaciyay in uu seegi doono kulamada ka harsan Horyaalka.

Balse waxaa rajo badan uu ka muujinayaa Mourinho  in xidigan ciyaarta Wembbely uu kasoo muuqan doono.

Dhanka kale Tababaraha kooxda ayaa waxaa uu soo hadal qaaday  in xidigiisa Fellaini uu isna dhaawac ku seegi doono kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonaan Westham united.

Wal walka ugu badan ee ay kooxdan qabto ayaa ah in ay waynayso adeega xidiga ugu goolasha badan kooxda inta ka harsan kulamada horyaalka.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.