Xaqiiq: Kooxda West Brom oo ka hartay Horyaalka Premier Leage.

0
227

Kooxda West BromWich Albion ayaa gabi ahaanba isaga Hartay Horyaalka Premier Leage iyadoo halkulan xitaa aan garoon soo galin.

Waxaana arintaan la xaqiijiyay kadib markii kooxda Southamptom ay guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Sawansea City.

Horay waxaa Horyaalka Ingariista qaybtiisa koowaad uga hartay dhawaan kooxda stoke City halka West Brom ay noqnayso kooxdii labaad ee aada horyaalka Champion Ship-ka.

Labada kulan ee ka harsan Horyaalsan Premier Leage waxaa lagu go’aamin doonaa kooxda Champion Ship Aadi Doonta labada kooxood ee kala ah Swansea City iyo Hudderfield.

West Brom waa ay kasoo muuqatay Horyaalka Premier Leage ilaa 12 xili ciyaareed waxaana inta la ogyahay Taariikhda ay Premier Leage Ka hartay ilaa 10 jeer.

Haatan waxa ay leedahay 31 dhibcood waxaana u harsan hal kulan oo kaliya waxayna 5 dhibcood u jirtaa booska looga haro horyaalka.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.