XAQIIQ: TABABIRIHII AY RAADINAYSAY CHALEA OO KOOX KALE HESHIIS U SAXIIXAY.

0
142

Mourizio Sarri oo ah Tababare ay si wayn u baadi goobaysay kooxda Chalsea ayaa si lama filaan ah waxaa uu heshiis rasmi ah ugu saxiixay Napoli oo uu garoonkooda sii joogi doono ilaa sanadka 2021-ka.

Tababarahan oo todobaad yadii aynu kasoo gudubnay si wayn lala xiriirinayay in uu imaan doono garoonka  Stamford Bridge ee ay ku ciyaarto chalsea ayaa waxaa qorshuhu ahaa in uu badal u noqdo Antonio Conte oo aysan maamulka Kooxda Ku Qanacsanayn Hanaanka uu wax ku wado iyo halka uu kooxda ku hogaamiyay Xili Ciyaareedkii Dhawaan dhamaaday.

Warbaahinada qaar ayaa waxa ay daabacayaan in kooxda Napoli maamulkeeda ay si wayn ugu mashquul sanaayeen sidii ay gacanta ugu sii hayn lahaayeen Macalinkooda taa oo ay ka dhabeeyeen.

Macadam Tababaraha kale ee ay u dhaqaaqi doonto kooxda Chalsea iyadoo Mourizio Sarri uu ahaa ninka kaliya ee aad ugu dhawaa in uu kusoo biro.

Antonio Conte ayaa dhaxda uga jira jahwareer aad u xoogan sababtoo ah bandhig aan wanaagsanayn oo uu kooxda ku hogaamiyay.

Balse waxaa muuqan karta in maamulka kooxda aysan wali ka harin baadigoobka ay ugu jiraan Tababare wax ka badali kara marxalada xun ee kooxdaan ay ku jirto.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.