Xarunta Otto Otto oo haawineysa & DFS oo weerarkii kadib aan talaabo qaadin (Warbixin)

0
77

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarka oo dhacay 7 Bishii July ayaa waxaa burbur xoogan oo dhimaca dhismaha uu kasoo gaaray Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Weerarka ayaa isku furay qeybo kamid ah dhismooyinka Wasaaradaha waxaana xusid mudan in wixii ka danbeeyay weerarkaasi aan dhismo lagu sameyn xarunta.
Dhismaha xarunta ayaa waxaa wali ka muuqda Burbur kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaden, iyadoo dowlada Somalia ay ka caajistay dib u dhiska xarunta.
U shaqo taga Xarunta ayaa waxaa ugu danbeysay saacado ka hor inta aanu weerarka dhicin, iyadoo wixii ka danbeeyay weerarka ay xaruntu aheyd mid haawineysa.
Weerarka ayaa waxaa laga jooga In ka badan 30 Cisho, waxaana ilaa iyo hadda dadweynaha ay isweydiinayaan sababta dayactir loogu bilaabi la’yahay Maadaama ay muhiim u yihiin shaqadda Qaranka.
Xarunta Ote Ote ee Wasaaradahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay talis ay leeyihiin ciidanka Booliska, kaasi oo loo adeegsan jiray Isgaarsiinta.
Xarunta ayaa halboole u ah shaqooyinka Xukuumada iyadoo labada Wasaarad ee ugu shaqada badan ay saldhig u tahay, marka laga soo tago xafiisyada ay ku leeyihiin Booliska.
Sidoo kale, waxaa xarunta dhex yaalla gaadiid bur bursan oo ku dhex bur buray qaraxii lagu weeraray, iyadoo mid ka mid ah albaabada Wasaaraddahana uu bur bursan yahay, maadaama qaraxa gaariga uu halkaasi gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaa iyo hadda cadeyn sababta madaxda Wasaaradahan ay isugu mashquulin waayeen dhismaha xarumahan, maadaama labada Wasaaradood ee amniga iyo arrimaha gudaha ay yihiin kuwa aanan laga maarmin, marka loo eego shaqooyinka ay bulshada u hayaan.
Ujeedka weerarada Al-Shabaab ayaa ah mid lagu doonaayo in marba lagu xiro xarun dowladeed inta laga gaarayo xarun la’aan wajahda dowlada, waxa ayna arrintaani muujineysaa inuu hirgalay qorshaha Al-Shabaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xarunta Otto Otto oo haawineysa & DFS oo weerarkii kadib aan talaabo qaadin (Warbixin)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.