Dowladda dalka kenya ayaa kordhisay xayiraadi saarneed xaafda islii ee magaalada nairobi iyo xaafada Old Town ee magaalada Mombasa ilaa iyo 6-da Juun, si loo qaado talaabooyinka ka hortaga faafitaanka cudurada coronavirus ee gaaray in ka badan 1,029 Arbacadii.
wasiirka wasaarada Caafimaadka dalka kenya Mutahi Kagwe oo ku dhawaaqay kordhinta xayiraada ayaa sheegay in sii kordhintaanka kiisaska laga helay labada xaafad ay walaac weyn ka qabto dowladda.
Kenya ayaa diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee hal maalin cudurka coroavirus iyadoo ah 66 kiis, tani waxay kusoo aadaysaa maalmo kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kordhiyay bandowgii usoo rogay laba bilood ka hor.
islii oo isugu jirta suuq iyo deegaan ayaa laga dareeemayaa dhaqaalo xuma soo food saartay shacabka masaakiinta ah ee ku nool xafadaasi iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha Barakaysan ee ramadaan.
si caadada ahayd xiligan oo kale suuqa xaafada islii ayaa laga dareemi jiray saxmad aad u weyn iyadoo dadka intooda badan ay ka dukaamaysan jirayn si ay isugu diyaariyaan dabaal daga ciidul fidriga.
Hasayeeshee sanadkaaan waxaa arrintaasi saamayn wayn ku yeeshay faafitaanka cudrka corona virus kaas oo sababay in la joojiyo soo galitaanka iyo ka bixitaanka xaafada islii ee magaalada nairobi