Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay amarka ah in la xiro wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda

1
461

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo uu dhinac taagnaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.




READ MORE FROM THE SOURCE: Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay amarka ah in la xiro wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda

1 COMMENT

  1. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya muddo Afar Bilood ah lagu helay Wasiir ku-xigeenka Faldanbiyeedyo kala ah: Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne, Ku Xadguduba awood Xafiiseed, Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

    XeerIlaaliye-ku-sheeggan marka uu leeyahay “in wasiir ku xigeenka lagu helay Faldembiyeedyo kala ah:
    1. Ku xadgudub xatooyo xoolo dadweyne,
    2. Ku xadgudub awood xafiiseed,
    3. Ku daneysi shaqsiyadeed xoolo xafiiseed,
    4. Diidid hawl qabasho xafiis,
    5. Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

    Ma Xeerilaaliyaha ayaa maxkamad ah?
    Sidee buu cid uugu heli karaa Faldembiyeedyo?

    Xeerilaaliyahan Xabashiga ah ee Itoobiya laga soo diray waxaan ku kordhineynaa oon cod dheer uugu sheegeynaa
    in Maxkamad uun ay leedahay awood ay cid ku hesho faldembiyeed.

    Xeer-Ilaaliye cid buu eedeyn karaa ee cidna kuma heli karo Faldembiyeed. Maxkamad uun baa cid ku heli karyta Faldembiyeed.

Leave a Reply to Abdulqadir TallmanCancel reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.