Xeer Ilaaliyaha qaranka oo soo saarey digniin culus oo loo diray gacansatada

0
272

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed wuxuu ka soo saaray jaridda dhirta dhoofinta dhuxusho, waxaana uu digniin u diray dadka ku howlan dhoofinta Dhuxusha.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA.
Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, nabadgalyada iyo dhaqaalaha. Waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay maleeshiyaadka iyo ururada argagixisada sida Al-Shabaab.
Inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay mamnuucay soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed haddana wadamada Imaaraadka Carabta Midoobay, Baxrayn, Kuwayt, Cummaan iyo Iiraan ayaa u ah suuq muhiim ah dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed.
Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isagoo la kaashanayaa Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka wuxuu baaris qoto-dheer ku hayaa ka ganacsiga dhuxusha sharci darrada ah.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu adkaynayaa in si buuxda loo fuliyo Sharci Lr. 6 (25/10/1969), Qaraarka Golaha Wasiirada Lr. 30 (19/04/2018), Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) iyo ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxeyna wajahayaan ciqaabta ka dhalata faldanbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu la kaashanayaa baarista fal-danbiyeedkan iyo fulinta shuruucdaba hay’adaha sharci-fulinta caalamiga ah sida Afripol, Interpol iyo dalalka kale ee aan xiriirka wada shaqayneed leenahay.
Dawladda Soomaliyeed waxay waydiisanaysaa ciidamada Caalamiga ah ee ka hawlgala badaha Soomaaliya ee la dagaalama burcad-badeedka iyo kalluumaysiga sharci-darrada ah inay hawlgaladooda ku darsadaan la dagaalanka dhuxusha sharci-darada ah.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ku adkaynayaa Hay’adaha Amniga Soomaaliyeed iyo AMISOM inay ku baraarugsanaadaan falalkaas sharci darrada ah wuxuuna ku boorrinayaa inay ka qaybqaataan baarista iyo fulinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu amrayaa doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha iney ka waantoobaan fal dambiyeedka wuxuuna caddeynayaa in lala wareegayo iyadoo loo marayo sida ay qabaan shuruucda dalka.
DHAMMAAD




READ MORE FROM THE SOURCE: Xeer Ilaaliyaha qaranka oo soo saarey digniin culus oo loo diray gacansatada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.