XIDIG BARTILMAAMEED U AH MAN UNITED OO GAARAY ENGLAND.

0
231

Warar ka imaanaya England ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi gaaray Xidig dhawaanahaanba si wayn loola xiriirinayay kooxda Man United waxaana la filayaa in ay rumoobi doonto riyada Jose Mourinho uu ku baadi goobayay Laacibkan.

Fred oo ah xidig si wayn saxiixiisa ay ugu dhawdahay kooxda lagu naaneeso shayaadiinta cas cas ayaa waxaa muuqata in uu gaaray England kadib muuqaal kooban oo uu soo dhigay bogiisa instegram-ka waxaana uu doonayaa in uu Tababar la sameeyo xulkiisa qaranka Brazil oo sabtida kulan saaxiibtinimo la leh Xulka Qaranka  Croatia.

Waxaa muuqanaysa in laacibkaan naftad ahaantiisa uu ku qanacsan yahay in uu ku biiro United inta uusan soo xirmin suuqyada kala iibsiga ciyaartooyda.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.