XIDIGAHA KOOXDA BARCELONA OO ISKU RAACAY HAL FIKIR MAAMULKANA U GUDBIYAY.

0
186

Kooxda Barcelona waxaa ay kamid tahay kooxaha waa wayn ee Dunida sida wayn isha ula raacayso Qorshahooda Suuqa Kala iibsiga Ciyaartooyda.

Iyadoona macalinka kooxdaasi uu wado dadaalo dheeraad ah oo uu ku fulinayo istiraajiyadiisa Suuqa Xagaagan.

Hadaba Xidigaha kooxdan ayaa waxaa ay si siman isugu raaceen Maamulkoodana u gudbiyeen Fikir ku aadan

in Hal xidig oo muhiim ah ay kooxda kasoo qaadato Naadiga Reer Germany ee Bayern Munich.

Kooxda Bayern waxaa ay iska iibinaysaa qaar kamid ah xidigaheeda mudada la joogay sidaa darteed maamulka kooxda Barcelona waxaa Farta ay si gaar ah ugu fiiqeen Ciyaaryahanada in ay soo qaataan  xidiga Thiago AlCantara.

Xidigan 2013-kii ayuu ka tagay kooxda balse hada waxaa uu danaynayaa in uu ku soo laabto.

Waxaa kale oo baacsiga laacibkan khadka dhexe ku wanaagsan qayb ka ah qaar ka mid ah kooxaha waa wayn ee ka dhisan Horyaalka Premier Leage sida Man United iyo Man city.

Maamulka kooxda Barcelona waxaa ay fahansan yihiin in xidigooda hore ay dib usoo ceshan karaan iyagoo u maraya wado kastaa oo ay ku heli karaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.