XIDIGA NAYMAR MARKALE AYUU KU DHAWYAHAY KU BIIRISTA KOOXDA REAL.

0
418

Waxii ka dambeeyay ku biiritaankii Naymar ee kooxda PSG waxaa muuqanayay xiisaha waalan ee kooxda Los Balancos u Qabto in xidigaan mar uun inuu garoonkooda kasoo muuqdo oo ay heshiis dhab ah la gaaraan.

Naymar waxaa la wada xusuustaa in uu Tababar la qaatay 2006dii Da’yarta kooxda hase ahaate kooxda ayaa ku fashilantay in heshiis rasmi ah ka saxiixato.

Madaxwaynaha Kooxda Real Fiorentino Perez ayaa waxaa uu si wayn ugu mashquulsan yahay soo gaba gabaynta raadinta kooxdiisa ay ugu jirto Naymar isagoona  aaminsan  in ay heli karto Real Xidigan.

Ronaldo ayaa la filayaa in si diiran uu u soo dhawayn doono xidigan iyadoona taageereyaasha kooxda ay ka war dhowrayaan  Natiijada saxda ah ee kasoo bixi doonta Raadinta Naymar Jr.

Naymar naftad ahaantiisa xiiso gaar ah ayuu u hayaa kooxdan maxaa yeelay dhawaan waxaa uu sheegay in Horyaalka haatan uu ka ciyaaro uu yahay mid aan xiiso badan lahayn islamarkaana sidii kooxdiisa Barcelona ay Ciyaartooyda u maamuusi jirtay Xidigaheeda aysan PSG u Maamuusin Ciyaaryahanadeeda.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay in marka kulamada qaar ay ciyaarayaan ayba sii ogyihiin in ay 3dex dhibcood ay soo heli karaan.

Halka sidoo kale uu soo hadal qaaday in waagii uu joogay Barcelona ciyaaryahanada ay ku safri jireen Dayuurad ama Tareen Balse PSG xidigaheeda waxaa ay ku safraan markasta Basas Caadi ah.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.