XIISAD cusub oo ka dhex bilaabatay taliska AMISOM iyo Saraakiisha ciidamada Kenya

0
43

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo ifbaxaya xiisad cusub oo u dhaxeysa taliska ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Kenya, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, waxaana xiisadda ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Kenya ka baxeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.Xiisadda u dhaxeysa saraakiisha AMISOM iyo ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay timid kadib kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay saraakiisha labada dhinac, waxaana Kenya lagu eedeeyay inay xagal daacineyso howlgalka ka socdo Soomaaliya.Warar soo  baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha qaar ee ciidamada Kenya aysan ku qanacsaneyn howlgalka ka socdo Soomaaliya, sida wargeys kasoo baxa dalka Kenya uu baahiyay.Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Taliyeyaasha Ciidamadda Wadamadda howlgalka ka tirsan ayaa ka walaacsan tilaabadda ay kenyatigu qaadeen iyadoo ku eedeyay Ciidanka Kenya in ay u dhaqmayaan sida Walaal weyn oo kale ayna doonayaan in maamuus gaar ah la siiyo.Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka carooday bixitaanka ciidamada Kenya ay ka baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana taasi ay keentay in madaxda Soomaalida ay walaac ka muujiyeen bixitaanka ciidamada Kenya.Wargeys kasoo baxaya Kenya ayaa maqaalkiisa ku sheegay in Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland uu xulifo la yahay Dowladda Kenya. Ciidanka Kenya kama aysan jawaabin baaritanka Wargeeyska oo weydiiyay su’aal ahayd waxa ku dhaliyay ka bixitaanka deg-degga ah..Ciidanka Kenya oo dalka soo galay Sanadkii 2011kii ayaa dagaalo ay kula safnaayeen Ciidanka Soomaaliya waxaa ay uga guuleeysteen Al-shabaab oo ay ka qabsadeen dhul badan oo ka tirsan Gobalka Gedo.Labadii Bilood ee lasoo dhaafay ayeyna ka bexeen saldhigyo muhiim ah kuwaas oo gacan ku heeyntooda la wareegeen Al-shabaab.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: XIISAD cusub oo ka dhex bilaabatay taliska AMISOM iyo Saraakiisha ciidamada Kenya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.