Xiisad maamulka Jubaland ‘uu abuuray oo ka taagan’ magaalada Baardheere

0
19

Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo.Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi.Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado.Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye.Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi.Dhowr toddobaad ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey loogu diiday inuu booqasho ku tago dhowr magaalo oo ka mid ah gobolka Gedo.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com  




SOURCE: Xiisad maamulka Jubaland ‘uu abuuray oo ka taagan’ magaalada Baardheere

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.