Xiisad u dhaxeysa ciidamada DF iyo Senetor Muuse Suudi Yalaxow oo ka taagan degmada C/Casiis

0
226

Muqdisho (Caasimada Online)-Xiisad u dhaxeysa ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Senetor Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.Xiisadda oo maalmahaan ka taagneyd degmada C/casiis ayaa waxaa sidii xal loogu heli lahaa ku mashquulsanaa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed isku beel yihiin Muuse Suudi.Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray amar ah in dadka degen xeradii hore ee ciidamada Badda Soomaaliya ee Marinaayo inay ka guuraan, iyadoo muddo loo qabtay dhamaan xubnaha degen Mirinaayo.Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku howlanaa daminta xiisadda ayaa sheegay in Muuse Suudi uu la yimid ciidamo badan oo taageersan, waxaana ay aagag ka galeen guriga uu ku leeyahay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasi oo xiisadda kordhisay.Nabadoon C/qaadir Maxamuud Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay degen yihiin agagaarka guriga Senetor Muuse Suudi, isaga oo sheegay in habeen kastaa ay cabsi ku seexdaan.“Waxaan arkeynaa , ciidan uu Muuse la yimid, dhulkaa lagaa Qaadayaa ayaa la yiri, Muuse wuxuu noo sheegay in dowladihi hore ay dhulka u saxiixeen, decument ayuuna heystaa oo horey loogu saaxiixay, habeen kastaa cabsi ayaan ku jiifanaa goorta dagaalka uu dhacayo ayaan ka cabsaneynaa”ayuu yiri Nabadoonka.Xiisadda ayaa maalmahaan ka taagneyd degmooyinka dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho, waxaana laga baqayaa saacad walbaa in dagaal uu ka dhaco xeradii hore ee ciidamada Badda oo ku taala degmada C/casiis.Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu dalbaday in dib loogu celiyo dhaqaalaha ka galay dhulka uu degen yahay oo la sheegay inuu u heysto Cadeymo muujinaya lahaanshaha dhulka, maadaama horey loogu sharciyeeyay.Xeradii hore ee ciidamada Badda waxaa degen saraakiil ciidan, masuuliyiin, Ganacsato, siyaasiyiin iyo ra’iisul wasaare Hore Mr Shirdoon, waxaana dhamaantood laga doonayaa inay ka baxaan.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in dhulkaasi laga dhigao Dhul safaaradeed.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xiisad u dhaxeysa ciidamada DF iyo Senetor Muuse Suudi Yalaxow oo ka taagan degmada C/Casiis

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.