Xiisada Gedo iyo qorshe ka dhan ah Amed Madoobe: JUBBALAND oo shaaca ka qaada arrimo xasaasi ah

0
278

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay booqasho halkaasi ay ku tageen wafdi wasiirroa ah oo ka socda maamulka Jubbaland.
Dibaxbax rabshado watay ayaa ka dhacay magaalada Shalay oo Jimco ahayd, kaasoo dhaawac lagu gaarsiiyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi.
Wasiirka ayaa soo gaarey dhawac fudud, oo Dakhar madaxa ah kadib markii dad caraysan ay dhagax ku weerareen isaga iyo xubno la socda oo howlo shaqo iyo kormeer u jooga magaalada Garbahaarey.
Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada.
Balse, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli cilaaqaadka iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee Villa Somalia iyo Jubbaland uusan wanaagsaneyn, islamarkaana dhowr jeer Axmed Madoobe eedeymo kul-kulul u jeediyay dowladda Federaalka.
Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa dowladda Somalia iyo Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Aqalka Madaxtooyadda, oo hadda loo magacaabay Ku xigeenka Taliyaha NISA ku eedeeyey inay si qaraoodi ah uga shaqeynayaan sidii Madaxweyne Axmad Madoobe loo badali lahaa isagoo mucaaradad xoogan kaga kiciyey gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland.
Dhowaan ayaa la filayaa in Kismayo lagu qabto kulan ay isugu imaanyaan golaha maamulada Soomaalida kasoo ajendaha ugu koreeya uu yahay faragalinta dowlada Federaalka ku hayso maamulka Jubaland.
Isha: Garoowe Online




READ MORE FROM THE SOURCE: Xiisada Gedo iyo qorshe ka dhan ah Amed Madoobe: JUBBALAND oo shaaca ka qaada arrimo xasaasi ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.