Xiisadda Xiriirka Soomaaliya Iyo Kenya : “Kenya Waxa aay ka quusatay diblomaasiyad fudud waxa aay tijaabineysaa mid adag” — Bile Abdisalam

0
540
Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa danjiraha ujooga Soomaaliya uyeeratay, kan Soomaaliyana ku amartay in uu dalkiisa dib ugu noqdo. Arrintaan ayaa salka ku haysa muran dhanka badda ah oo ka dhex aloosan waddamadaan jaar ah.

Kenya ayaa ku andacooneysa in Soomaaliya “xaraashtay” ceelal shidaal oo aay leedahay, Laakiin Somali Info ayaa ogaatay in Kenya aay niyad jabtay kadib markii aay dowladda Soomaaliya ka dhiidhisay cadaadis uga yimid Kenya oo aay ku doonaysay in aay ka noqoto kiiska yaala ICJ.

Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraal ka kooban 15 qodob oo iskugu jira libin sheegasho, cannaan, hanjabaad iyo naqdin aay naqdineyso dowladnimada Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa yiri, “Xadgudubkaan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci-darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma’ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.

5 Febraayo 2019, dowladda Soomaaliya ayaa kusoo bandhigtay magaalada London maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Baaritaan aay Somali Info sameysay ayeey ku ogaatay in macluumaadka la xiriira sahminta shidaalka Soomaaliya ee London lagu soo bandhigay aaysan ku jirin aagga aay Soomaaliya iyo Kenya ku muransanyihiin.

Markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowladda Kenya waa aay soo dhoweysay iyada oo rajeyneysa in arrinta muranka badda uu wadahal kala furi doono. Waxa aay dalkeeda ka mumnuucday mucaaradka dowladda, waxa aayna joogteysay xiriirada aay la sameyneyso madaxda dalka. Kenya waxa aay sameysay galaangal badan oo aay arrintaan madal kasta aay ku keeneyso laakiin dowladda ayaa ku adkaysatay in arrintaan lagu go’aaminayo maxkamadda aay taal ee ICJ.

Kenya oo aaysan ucuntamin go’aanka Soomaaliya ayaa taageeradeedii uleexisay dhinaca mucaraadka, Laakiin Kenya wili waxa aay naawileysay in arrintaan mar wadahadal laga furi doono.

Booqashii uu ra’isul wasaarada Soomaaliya ku tagey Kenya dhammaadkii Janaayo 2019 waxa aay arrintaan toos uga wadahadleen madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Sida ilo xog-ogaal ah aay inoo sheegeen madaxweynaha Kenya waxa uu soo jeediyey in Soomaaliya aay dacwada hakiso kadibna aay wadahadlaan si aay ugaaraan xal labada dal dani ugu jirto halka ra’isul wasaare Khayre ku adkeystay in aay wada hadlaan dacwada oo socota ama laga dhursugo go’aanka maxkamada. Kenya xal uma arag in is-afgarad lagaari karo iyada oo aay dacwaduna dhinac ka socoto, Soomaaliyana waxa aay ka biyo diiday waxa dhici kara in dacwadana laga noqdo isfaham macquul gal ahna la gaari waayo.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxa aay ku kalsoontahay dooddeeda iyo cadeymaha aay heysato waana sababta Kenya aay ugu dadaaleyso in arrintaan go’aan kama dambeys ah aaysan maxkamadu ka gaarin balse lagu xaliyo si hoose — si aay wax ugu yeelato badda kheyraadku ceegaago.



Shirkaan intii uusan bilaaban, Kenya ayaa waday cadaadis siyaasadeed iyo ol-ole ka dhan ah dowladda Soomaaliya. waxa aay dalkeeda ku martiqaaday siyaasiyiin mucaarad ah iyo saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland. Siyaasiyiinta ayaa u arkayey fursad in Kenya soo dhoweyso maadaama aay hor-istaag ku sameysay markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in aay dowladda ka mucaaradaan Kenya. Dhanka kale, Madaxda maamulka Jubaland ayaa wajahaya doorasho waxa aayna ol-ole ka bilaabeen Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa weerar ku qaaday madaxda dowladda Federal-ka Soomaaliya. Wargeyska The Star ayaa markii dowladdu cayrisay ergeygii Qarama Midoobay Nicholas Haysom, 05 Febraayo 2019 qoray, “Cayrinta ergeyga Qaramada Midobay waxa aay xaqiijineysa dabciga kelitalisnimo ee Farmaajo” (Explusion of UN diplomat confirms Farmaajo’s dictatorial tendecies).

Dhanka kale, waxa aay ol-ole in dib-loo-soo-doorto ah usameeyeen madaxweynaha maamulka Jubaland, Ahmed Madoobe. Wargeysa The Daily Nation ayaa qoray, “Doorasha Jubaland : Waxgaradka Gaarisa oo aqbalay soo noqoshada Ahmed Madoobe”


Siyaasiyiintaan leh danaha kala gedisan waxa aay abaabuleen iyaga oo adeegsanaya warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada sidii shirka sawir khaldan looga bixin lahaa, halkaan ayaana waxaa ka biloowday dagaal warar been abuur ah iyo dacaayado  lagu qaaday dowladda, lagana faafiyey shirka London taas oo keentay ugu danbeyn in dad badan oo Soomaaliyeed tuhun la geliyo, kana soo horjeestaan shirkaan.

Shirkii looga hadlayey arrimaha shidaal ee London markii uu dhammaaday, Kenya ayaa xiriir la sameysay Soomaaliya iyada oo ka dalbatay xogta rasmiga ah ee aay soo bandhigtay. Soomaaliya oo haysata isku halleyn sharci iyo kalsooni in aaysan wax-xadgudub ah ku dhaqaaqin ayaa ka gaabsatay in aay wax faahfaahin ka siiso Kenya macluumaadkaan. Dowladda Kenya oo horayba uga quusatay Soomaaliya ayaa arrinkaan ku sababeysay in aay xiriirka ugu jartay Soomaaliya, laakiin waxaa la aaminsanyahay in aay rabto in aay ku cadaadiso si arrintaan lagu dhammeeyo wada-xaajood ama maxkamadda horteeda aay ugu andacooto in Soomaaliya xaraashtay xirmooyin shidaal baaris oo lagu muransanyahay.

Digtoor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa isaga oo la hadlaya BBC Somali yiri, ”
“Dad badan oo Soomaali ah waxay tuhunsan yihiin in xiisadda Diplomaasiyadeed ee Kenya ay soo cusbooneysiisay ay tahay istiraatiijiyad looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii muranka badda ee labada dal u dhaxeeya loogu xallin lahaa si hoose oo ka baxsan maxkamadda ICJ”.

Maanta danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya, lagamana filayo madaxda qaranka in aay wax tanaasul arrintaan ka sameyn doonaan laakiin Kenya maadaama aay ku guul-darreysatay diblomaasiyad jilicsan waxa aay tijaabineysaa mid adag.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.