Xildhibaan C/llaahi Nuur oo ka jawaabay hanjabaadda xukuumadda “Ma ahi Nin la cabsi gelin karo” + Dhageyso

0
200

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hanjabaad joogto ah uu la kulmayay saacadihii ugu dambeeyay.Wxuu sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay soo gaareen ilaa shan fariin oo isaga loogu hanjabayo, sida uu hadalka u dhigay.Xildhibaanka ayaa arrimaha ugu badan ee loogu hanjabay ku sheegay inay tahay arrinta la xiriirta maaliyadda, isaga oo sheegay in lagu wargeliyay inuu arrimahaasi faraha kala baxo.Sidoo kale wuxuu sheegay in hanjabaada ay tahay mid fariimo loogu soo dirayay iyo mid toos loo hor imaanayay,”Anigu ma ahi dadka handadaada ka cabsada, laakiin inaha ay quseyso ayaan la wadaagi doonaa”ayuu yiri xildhibaanka.Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib  markii dhawaan uu sheegay  xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in ay jiraan Suxufiyiin dowladda handaday iyo kuwo ay xabsiga dhigtay, taasina ay tahay wax laga xumaado.Hoos ka dhageyso codka Xildhibaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-xildhibaaan-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaan C/llaahi Nuur oo ka jawaabay hanjabaadda xukuumadda “Ma ahi Nin la cabsi gelin karo” + Dhageyso

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.