Xildhibaan Cosoble;”Waxaan maqalnay in dowlada tanaasul ka sameyneyso arrinta badda.”

0
51

jowhar Somali News Leader
Xildhibaan Cabdqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ayaa  sheegay in  uu jiro tuhun ah in dowlada federalka lagu cadaadinayo in ay tanaasul ka sameyso arrinta badda ee hortaal maxkamada caalamiga ah ee ICJ.
“Maalmahaan waxaan maqlaynay in Safaarado iyo dalal ay dowladda ku riixayaan in kiiska badda lagu dhameeyo maxkamadda banaankeeda” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.
Xildhibaanka ayaa kula taliyay madaxda dowlada inaysan ku bedalan qadiyada Soomaaliyeed arrimaha Maamul  Goboleedyada ka jira.
“Ma Ogolaaneyno in Maamul-goboleedyada loo Gacan-togaaliyo awgeed uu Madaxweyne farmaajo u bur-buriyo Qaddiyad Soomaaliyeed”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan  Cosoble.
Halkan hoose ka daawo Xildhibaan Cosoble oo ka hadlaya  arrimaha badda.

The post Xildhibaan Cosoble;”Waxaan maqalnay in dowlada tanaasul ka sameyneyso arrinta badda.” appeared first on Jowhar.




SOURCE: Xildhibaan Cosoble;”Waxaan maqalnay in dowlada tanaasul ka sameyneyso arrinta badda.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.