Xildhibaan Fiqi oo su’aalo ka keenay Warbixintii NISA ee Qaraxii EX Koontarol

0
68

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowr su’aal ka keenay warkii ka soo baxay Hey’adda NISA ee ahaa in qaraxii maalin ka hor ka dhacay Muqdisho uu qorsheeyay dal shisheeyey, inkasoo aan la magac dhabin dalka uu yahay

Axmed Fiqi oo horay u soo noqday Taliyaha NISA ayaa qoraal uu bartiisa Faceoob soo dhigay ku sheegay inay tahay mid siyaasadeysan iyo loolan ka dhaxeeya dowlado qaar oo aanu qudhiisa carabaabin, balse u muuqatay inuu ugala jeeday Imaaraadka iyo Qatar.

Halkan hoose ka akhriso.

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

  1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

  2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

  3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

  4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.
The post Xildhibaan Fiqi oo su’aalo ka keenay Warbixintii NISA ee Qaraxii EX Koontarol appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Xildhibaan Fiqi oo su’aalo ka keenay Warbixintii NISA ee Qaraxii EX Koontarol

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.