Xildhibaan Geesey: Dowlada Farmaajo dastuurka waa diiday diina waa diiday”

0
293

Baydhabo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka  Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed.Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay.Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/geesey.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaan Geesey: Dowlada Farmaajo dastuurka waa diiday diina waa diiday”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.