Xildhibaan Idris Dhaqtar “Haddii ay heshiin waayaan aan tuurno Mursal, Muudey iyo Mahad, Guddoon cusub…”

0
270

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa hadal layaab ah ka jeediyay kulan dhoolatus ahaa oo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ku muujinayeen taageerada Madaxweyne Farmaajo, kaasoo maanta ka dhacay Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada.
Idris Cabdi Dhaqtar ayaa soo jeediyay in Saddexda Guddoon xilka laga tuuro, haddii ay heshiin waayaan, isagoo dusha ugu tuuray khilaafka soo noq-noqda inay saddexdooda qeyb ka yihiin.
“Aniga waxaa ku talin lahaa saddexdooda i  aan tuurno, runta idin sheegayaa, haddii ay heshiin waayaan aan tuurno, khilaaf looma baahna labadan sano, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin Mursal, Muudeey iyo Mahad, Guddoon cusub aan sameysano, ninka noogu weyn aan doorano”ayuu yiri Xildhibaan Idris Dhaqtar oo markii uu hadalkaas jeediyay buuq ka dhex dhaliyay Xildhibaanadii fadhiyay Madasha.
Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar ayaa sheegay in labada sano ee dowladda u dhiman lagu dhameysto Mooshin la’aan, waxaana uu ugu baaqay Guddoomiyaha inuu yimaado xaruntiisa oo uu furo Fadhiga Baarlamaanka.
Kulankii dhoolatuska ahaa ee Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen Hotel SYL ayaa waxaa ka soo qeyb galay 135 Xildhibaan, iyadoo bayaan ka soo baxay kulankaas sharci darro lagu tilmaamay mooshinka
The post Xildhibaan Idris Dhaqtar “Haddii ay heshiin waayaan aan tuurno Mursal, Muudey iyo Mahad, Guddoon cusub…” appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Xildhibaan Idris Dhaqtar “Haddii ay heshiin waayaan aan tuurno Mursal, Muudey iyo Mahad, Guddoon cusub…”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.