Xildhibaan Ka Deyriyey Amniga Deegaannada Hirshabelle

0
184

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa ku sheegay iney jirto habacsanaan amni oo deegaannada maamulkaasi ah.
Mar uu ka hadlay xildhibaanka weerarada Al-shabaab ka fuliyaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayuu sheegay iney tahay arrin maamulkooda ka weyn oo u baahan in wax looga qabto si heer qaran ah.
“Amni darada meello badan oo dalka ayeey ka jirtaa, laakiinse wadadan wax aka dhaca waa weeraro gaadmo ah, marka waxaa wax looga qaban karaa oo kaliya iyadoo loo wajaho si qaran, ee ma ahan wax Hirshabelle kaligeed wax ka qaban karto” ayuu yiri xildhibaanka.
Dhanka kale, xildhibaan Warsame ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay iney wax ka qabato xaaladda amni ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.
Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah waxay ka fuliyaan wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, kuwaasi oo khasaare geystay.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Xildhibaan Ka Deyriyey Amniga Deegaannada Hirshabelle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.