Xildhibaan Nuuridiin oo weerar afka ah ku qaaday Faysal Cali Waraabe “Hargeysan kugu dhex garaaci doonaa”

0
64

Hargeysa (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe uu weeraray qaar kamid ah dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa arintaasi waxaa ka hadlay xildhibaanada golaha Deegaanka ee Laascaano.Xildhibaan Nuuridiin oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kana mid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano ayaa si caro leh kaga jawaabay hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, isaga oo ku tilmaamay ruux ka shaqeeya dhibaateynta iyo kala fogeynta shacabka.Eng Faysal Cali Waraabe ayaa marar badan weeraray Boqor Burhaan iyo madaxda maamulka Puntland, isaga oo dhaliilo badan u jeedin jiray, waxaana xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka ka muuqday caro badan.Wuxuu sheegay in Faysal Cali Waraabe marba dhinac la safan yahay, islamarkaana aan lagu kalsoonaan karin taageeradiisa, wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay ruux basaasnimo ku shaqeyn jiray xiligii dowladii dhexe, sida uu hadalka u dhigay.Wuxuu kaga digay Guddoomiyaha xisbiga Ucid inuu joojiyo hadalada naceybka badan dhalin kara.Hoos ka dhageyso codka Nuuradiin oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Nuuradiin-oo-kamid-ah-Golaha-Deegaan-laascaanood-War-Puntland-Waa-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaan Nuuridiin oo weerar afka ah ku qaaday Faysal Cali Waraabe “Hargeysan kugu dhex garaaci doonaa”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.