Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab

0
57

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay waxka qabato.Waxa uu sheegay in haatan ay mareyso in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana Ergadii isaga soo dooratay ay ka mid yihiin kuwa ay u yeereen Al-Shabaab.“Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.Hadalka Xildhibaan Afaraale ayaa kusoo aadaya xilli horay loo dilay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.Hadlkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Dhagayso-Xildhibaan-sheegay-in-Ergadii-soo-dooratay-u-yeereen-Al-Shabaab-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.