Xildhibaan Zakariye “Arrin filan waa ayay aheyd in Madaxweynihii oo gacanta la haayo in Nairobi laga dejiyay”

0
90

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fududaaday inuu ka dego Nairobi, iyadoo aan la soo celin xiriirkii ay Kenya goysay.
Avv. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada ugu afka dheer ayaa sheegay in filan waa ku noqotay in Madaxweyne Farmaajo oo gacanta la haayo in laga dejiyay Nairobi.
“Kenya sida ogtahay iyadoo xiriirkii goysay, muddo badan bad aan leenahay sheeganeysay oo dowladda Soomaaliyeed handadeyso ayaa waxaa dhacay filan waa in Madaxweynihii oo gacanta la haayo laga dejiyo Nairobi, iyadoo aan xiriirkii la soo celin, isla markaana aheyd heer Wasiiro inuu ku bilowdo wada hadalada oo si hoose loo hadlo, in Madaxweynihii oo astaantii qaranka inuu bilaabo waa wax aan habooneyn”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo wareysi siiyay Warbaahinta Mustaqbal.
Waxaa uu sheegay in arrin qatar ay tahay arrimaha la sheegayo ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ogolaatay in dacwada Maxkamadda la soo noqoto, isagoo xusay in loo baahan yahay in dowladdu arrintaan cadeyso iyo haddii ay kutiri-kuteen tahay.
“Madaxtooyada war ka duwan ayay soo saartay waxa ay qoreen warbaahinta Itoobiya iyo Kenya, xoojinta xiriirka labada dal laga hadlay iyo wax la mid ah, mowduuca meesha loo tahay waa oghanaaye badda baa loo tagay, arrintaas halaga hadlo haddii wax ka jiraan”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi.
Xildhibaan Zakariye oo sii hadlayay ayaa yiri “Haddii cadaato waxa la sheegayo waa arrin qatar cidii gashay baa dambigeeda qaadaneysa, haddii ay caddaan weydo xiriirka in la soo celiyo ku egtahay, habkii loo maray madaxweyne inuu ka bilaabo ma aheyn, waa arrin lagu fududaaday, waxaana ka dooneynaa in Baarlamaanka si degdeg ah arrintaas loo horkeeno, inkastoo haatan uu fasax ku maqan yahay”
Halkan hoose ka daawo Wareysiga Xildhibaan Zakariye

The post Xildhibaan Zakariye “Arrin filan waa ayay aheyd in Madaxweynihii oo gacanta la haayo in Nairobi laga dejiyay” appeared first on jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Xildhibaan Zakariye “Arrin filan waa ayay aheyd in Madaxweynihii oo gacanta la haayo in Nairobi laga dejiyay”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.