Xildhibaanadii BF oo laba arrin dartood loo la’yahay

0
275

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa marar badan digniino kala duwan u diray Xildhibaanada baarlamaanka ee ka maqan kulamada Baarlamaanka.Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay waxyaabaha u sabab ah in la waayo xildhibaano badan , taasi oo mararka qaar sababta in kulamada baarlamaanka ay baaqdaan.Xildhibaan Sareedo oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo arin ay sabab u tahay in xildhibaanada ugu badan ay xaadiri waayaan kulamada golaha shacabka ee baarlamaanka.Tan koowaad ayay ku sheegtay inay yihiin inay jiraan xildhibaano badan oo Fasax iyo xanuuno ku maqan, kuwaasi oo aan dib ugu soo laabaan fadhiyada baarlamaanka tan iyo markii ay fasaxyada qaateen.Tan labaad ayay ku sheegtay in ay jiraan wasiiro, wasiir ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal badan oo kamid ah golaha shacabka, kuwaasi oo inta badan aanan soo xaadirin fadhiyada baarlamaanka.Waxay ugu baaqday wasiirada xildhibaanada kamid ah inay xitaa ugu yaraan xaadiraan fadhiga baarlamaanka inta laga buuxinayo Kooramka uu ku furmayo fadhiga golaha shacabka, kadibna ay shaqadooda iska aadaan.Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan xildhibaanada aanan xaadirin kulamada baarlamaanka, isagoo digniintii ugu dambeysay siiyay labo maalin kahor.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaanadii BF oo laba arrin dartood loo la’yahay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.