Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadayo Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

0
250

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta oo ah axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, cod gelin-doona miisaaniyadda sanadka.
Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka, sida uu sabtidii sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal
Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.
Goobjoog News




SOURCE: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadayo Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.