Xildhibaannada Labada Aqal oo si degdeg u ansixinaya Miisaaniyadda 2020

0
70

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka doodayeen.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaannada Labada Aqal ayaa si degdeg ah u ansixinaya Miisaaniyadda maanta oo ay ugu dambeyso sanadka 2019, si sanadka cusub 2020 loo bilaabo in miisaaniyadda lagu shaqeeyo.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa miisaaniyadda su’aalo ka weydiinayay Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha badi u badnaa sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hey’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka Ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la xusuusta in horay ay Miisaaniyadda ay ansixin jireen oo kaliya Golaha Shacabka.

Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, waxaana kala bar lacagtaas ay tahay deeqaha dibadda ka imaanaya ee dowladaha iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha ay ku kabayaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka.
The post Xildhibaannada Labada Aqal oo si degdeg u ansixinaya Miisaaniyadda 2020 appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Xildhibaannada Labada Aqal oo si degdeg u ansixinaya Miisaaniyadda 2020

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.