Xildhibaano British ah oo billaabay olole Somaliland loogu aqoonsanayo dal

0
116

London (Caasimada Online) – Siddeed (8) xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Britain ayaa dawladooda UK ugu baaqay inay u hawlgasho sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka ee ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd.
Xildhibaanadan ayaa 26-kii June oo ku beegneyd sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay gobollada waqooyi xorriyada ka qaateen ngiriiska, waxa ay qoraal dheer ku qoreen majalada caanka ah ee Politics Home, waxa ay kaga warameen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, iyagoo xusay inay ka xunyihiin sida aanay shacabka reer Somaliland maanta u haysan xorriyadaas ay heleen 58 sannadood ka hor ee sida fudud  uga luntay. Xildhibaanadan oo caan ku ah taageerista qaddiyadda somaliland ayaa kala ah:

Clive Betts MP
Stephen Doughty MP
Zac Goldsmith MP
Lord Luce
Kerry McCarthy MP
Liz McInnes MP
Matthew Offord MP
Stephen Timms MP

Waxa ay xildhibaanadani sheegeen in 58 sannadood laga joogo markii ay Somaliland xorriyadda ka qaaday Ingiriiska, iyadoo ay dalal badan oo Afrikaan ah oo iyaguna wakhtigaas xorriyadooda qaatay ay u dabaal degayaan madaxbanaanidooda, laakiin waxay xuseen inay Somaliland ka duwantahay xaaladaha wadamadaas ay isku wakhti xorriyadooda qaateen, “Jamhuuriyadda Somaliland, xaaladu si ahaan way uga duwantahay. Waxay heshiis midow siyasadeed ah la galeen jaarkooda Soomaaliya ka dib markii ay xorriyadooda heleen, Somaliland waxay xorriyadeedii soo celisay sannadkii 1991” ayay xildhibaanadu ku yidhaahdeen qoraalkooda iyagoo xusay guusha ay Somaliland ka gaadhay mudadaas adkaynta nidaamka dawladnimo”hase yeeshee.” Ayay yidhaahdeen “27 sannadood ka dib, Ingiriiska ama beesha caalamku toona may aqoonsan qaranimada Somaliland. Tani waxay ka hor istaagaysaa dalka inuu ka mid noqdo wadamada barwaaqo sooranka iyo hay’adaha kale ee muhiimka ah ee fududeeya kobaca dhaqaalaha iyo horumarka.”
Waxay xildhibaanadani qoraalkooda ku sheegeen inay Ingiriiska joogaan waxna ku bartaan dad badan oo reer Somaliland ah, “Tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa wakhtigan ku nool, waxna ku barta Ingiriiska, kuwaas oo ay ku jiraan kumanaan ka mid ah deegaanada aanu metelno oo keliya.”, ayay lagu yidhi qoraalka, waxaanay xuseen in qurbo-joogtani ay xataa door muhiim ah ka qaataan sidii loo abnsixin lahaa xeerar muhiim ah oo xayirnaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerka ka hortagga gudniinka fircooniga ah.
Xildhibaanadani waxay qoraalkooda ku yidhaahdeen “Ingiriisku waa deeq bixiyaha ugu weyn ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay 27 wadan oo ku midoobay inay si madaxbanaan u kormeeraan doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada ee November. Doorashadaasi oo lagu qabtay qaabka isha bu’da laga sawiro si looga hortago ku labo celinta, waxaanay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh ilaa 2003 ee ay reer Somaliland kaga qayb galaan hanaanka doorasho ah habka xisbiyada badan oo si caalami ah loo sheegay inay ahaayeen xor iyo xalaal ah.”
Waxa kale oo ay sheegeen in Somaliland oo dalkeeda ka hirgelisay naabdgeliyo iyo degenaansho aan gobalka Geeska Afrika ka jirin ay Ingiriiska iyo beesha caalamka u tahay saaxiib, maadaama oo uu Ingiriisku la dagaalamo argagixisada.
Xildhibaanada oo Ingiriiska ku canaacanaya sida uu uga gaabiyay Somaliland waxay yidhaahdeen “Haddii xidhiidhka  taariikh,  dhaqan, dhaqaale iyo amniba ay dhaliyaan su’aasha ah sababta uu Ingiriisku uga gaabiyey in uu xidhiidh rasmi ah la yeesho Somaliland, taas waxa ugu wacan isbedelka ku yimid maqaamka Ingiriisku ku lahaa caalamka. Tani waa xaalad isbedel weyn oo muhiim ah u leh xidhiidhka dibada ee Ingiriiska, gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Waxaa jira heshiis cad oo xisbiyadu u dhan yihiin oo ku saabsan faa’iidooyinka ku lammaan in xidhiidh dhaw lala yeesho wadamada Barwaaqo-sooranka. Qaar badan oo dalalkan kamid ah, sida Somaliland,  waa dhaqaale cusub oo soo koraya oo leh dhallinyaro iyo koboc dhaqaale oo sareeya, kuwaas oo aynu hore u wadaagnay luuqad, taariikh, dhaqan siyaasadeed iyo muwaadiniinba. Dawladda Ingiriiska waxaa bishii Abriil u bilowday laba sano oo ay guddoomin doonto ururka barwaaqa-sooranka, taas oo annagana noo noqon doonta fagaare aanu ka sii wadno iskaashiga iyo dadaalkayaga ku biirista ururka barwaaqa sooranka.”
Ugu dambayn iyagoo baaq u diraya dawladda Ingiriiska waxay yidhaahdeen “Munaasabadda sannad guurada 58naad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska, oo ah maalinta Somaliland xaqa u siinaysa in ay ka mid noqoto ururka Barwaaqa-sooranka awgeed, waxa aan ugu baaqayaa dawladda Ingiriisku in ay bilowdo geeddisocodkii ay Somaliland kaga mid noqon lahayd beesha caalamka, taas oo fursado, faa’iidooyin iyo barwaaqo dheeraada u ah dalka, muwaadiniintiisa, iyo jaalkiisaba.”
Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com 




READ MORE FROM THE SOURCE: Xildhibaano British ah oo billaabay olole Somaliland loogu aqoonsanayo dal

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.