Xildhibaano iyo wasiiro ku loolamaya in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo goobo danguud ah

0
222

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartan iyo loolan adag ayaa loogu jiraa sidii xildhibaan kasta uu ku heli lahaa in shaqsi uu wato loogu magacaabo dhowr xafiis oo hadda dayactir ku socda, kuwaas oo ah dhul danguud oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.
Xildhibaano badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wasiiro iyo shaqsiyaad kale, ayaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda kala hadlay in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo guryaha dowladda ee dhismaha ku socdo, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.
Goobaha tartanka loogu jiro ee shaqsiyaadka loo rabo waxaa kamid ah, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, oo dib loo furay horaanta sanadka cusub, Maktabadda Qaranka, Madxafka iyo goobo kale oo muhiim ah.
Wasiirada ayaa qaar lagu eedeeyay in ay ku heshiiyeen kala badalashada shaqsiyaad ay wataan.
Xildhibaano badan ayaa la kulmay wasiirada qaar, halka qaarkoodna ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha, si ay u helaan maamulka xafiisyadan muhiimka ah.
Dad badan ayaa la aaminsan yahay in ay ka faa’ideysan doonaan haddii ay xafiisyadaan shaqeeyaan waxayna shaqo abuur u noqon doonaan tobaneeyo dhalinyaro ah.




SOURCE: Xildhibaano iyo wasiiro ku loolamaya in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo goobo danguud ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.