Xildhibaano ka tirsan BF oo war kasoo saaray go’aankii dowladda ka qaadatay Nicholas HAYSOM

0
486

Muqdisho (Caasimada Online)-Warqad qoraal ah oo kasoo baxday kudlo ay ku mideysan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo Xisbiyada Wadajir iyo xisbiga UPD oo Xasan Sheikh uu hogaamiyo ayaa waxay kaga hadleen xaaladaha siyaasadeed ee dalka.Qoraalka Kudlada ayaa ugu horeyn waxaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee xerada Xalane, kaasi oo ay Al Shabaab sheegteen masuuliyadiisa.Sidoo kale qoraalka ayaa looga hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nickolas Haysom.Waxay sheegeen in go’aankaasi uu yahay mid muujinaya hab dhaqanka awoodeed ee madaxda hadda jirta, kaasi oo waxyeeleyn kara xiriirka diblumaasiyadeed ee dalka Soomaaliya.Waxay ugu dambeyn ka digeyn waxay ugu yeereen cabsi iyo argagax gelinta waxyeeleyn karta dib u dhiska qaranka Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xildhibaano ka tirsan BF oo war kasoo saaray go’aankii dowladda ka qaadatay Nicholas HAYSOM

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.