“Xildhibaano saaxiibo ahaa ayaa salaanta iska qaadi la’ mooshinka dartiis”

0
236

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee shalay shaaciyay inuu dhexdhexaad ka yahay mooshinka uuna wado dadaaladii lagu dhameyn lahaa ayaa bixi xog dheeri ah oo mooshinka la xiriirta.Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa sheegay in mooshinka uu dhaliyay xiisad cusub oo ka dhex beerantay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo sababtay in is qabtaan xildhibaano saaxiibo ahaa.Wuxuu sheegay in mooshinkaan uu sababay in xildhibaano saaxiibo dhow ahaa isu caroodaan oo xitaa hadda xaalkooda uu gaaray inay salaanta iska qaadi waayaan.Sababta arintaasi ka dambeysa ayuu sheegay inay tahay in xildhibaanka carooday laga been abuuray saxiixiisa, isaga oo uga carooday xildhibaanka gudbiyay inuu isaga saxiixay mooshinka.“Mooshinkaan wuxuu keenay in xildhibaano saaxiibo ahaa salaanta iska qaadi waayaan, maxaa yeelay xildhibaanka laga been abuurtay ayaa ku xanaaqay xildhibaanka saxiixiisa mid u  eg sameeyay, waxayna keentay been abuurkaasi inay isku dhacaan, hadda salaanta xitaa iskama qaadaan”ayuu yiri xildhibaan Jeesow.Xildhibaan Jeesow ayaa ka gaabsaday inuu magacyadooda sheego xildhibaanada, balse waxaa muuqata xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada ee ka dhalatay mooshinka cusub, waxaana ay warbaahinta isku mariyaan xildhibaanada hadal adag.Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: “Xildhibaano saaxiibo ahaa ayaa salaanta iska qaadi la’ mooshinka dartiis”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.