Xildhibaano sheegay in qaraxii saaka Ex Koontarool uu dhanka khasaaraha u dhow yahay kii Zoobe

0
21

Iyadoo qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye uu sababay khasaare aad u fara badan ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxay sheegeen in dhanka khasaaraha qaraxaas uu la mid yahay sidii kii Isgoyska Zoobe ka dhacay labo sano ka hor.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad xooggan oo saameeyay goobo kala duwan, waxaana la isla dhex marayaa in gaariga qaraxa lagu soo raray inuu ahaa gaari kuwa xamuulka ah.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qaraxaas uu xaga khasaaraha uu u dhow yahay qaraxii Zoobe ee dhacay 14 October sanadkii 2017, ayna dad boqol kor u dhaafaya ku geeriyoodeen.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa aheyd meel aad u mashquul badan oo ay maraan gawaarida ka baxa Muqdisho iyo kuwa ka yimaada Afgooye, iyadoo saakay aheyd subax sabti ah oo ah subax shaqo.

Dadka ugu badan ee qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool ayaa u badna arday, iyadoo illaa ku dhowaad saddex gaari oo homey ah oo midkiiba ay saarnaayeen 20 qof la sheegay inuu qaraxa waxyeelo xoog leh u geystay.

Wararka horudhac ayaa sheegaya in illaa 50 ruux ay gaareyso dhimashada, dhaawaca uu ka badan yahay boqol ruux, waxaa illaa iyo hada jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Federaalka oo ku aadan khasaaraha.

Meydadka illaa 40 ruux ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, kuwaasoo la aqoonsan waayay wejiyadooda, sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ayaa aad waxyeelo fara badna uga muuqdeen, sida jirka oo go’ay, gawaari ku gubatay goobta.




SOURCE: Xildhibaano sheegay in qaraxii saaka Ex Koontarool uu dhanka khasaaraha u dhow yahay kii Zoobe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.