Xildhiban Dalxa “Sharciga Bangiga Dhexe ee naloo keenay waa feero qaawan yahay Surwaal kaliyaa ugu jiro”

0
287

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka uu horyaalo sharciga ama xeerka Bangiga dhexe oo la doonayo in wax laga badalo.Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi maanta xildhibaanada baarlamaanka la horgeyn doono, marka guddoomiyaha baarlamaanka ogolaado kadibna ay ka doodi doonaan xildhibaanada golaha Shacabka.Wuxuu sheegay in sharcigaasi baarlamaanka uu kaga yimid dhanka xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay iney qabto yahay sida lagu geeyay golaha shacabka.“Sharcigaasi waxaan idiin cadeynayaa inuu horyaalo golaha shacabka, dhanka xukuumadda ayuuna naga soo gaaray, Sharcigaasi waa mid Surwaal kaliya uu ugu jiro waa feero qaawan yahay oo shaar uguma jiro”ayuu yiri xildhibaanka.Arintaasi ayaa dhalisay hadal heyn badan, maadaama haddii wax laga badalo xeerka Bangiga dhexe ay ka dhigan tahay in ruux ajnabi ah uu qaban karo guddoonka Bangiga Dhexe.Dhinaca Xildhibaanka ayaa ka hadlay ruuxa ajnabiga ah ee la hadal hayo in laga dhigayo guddoomiyaha Bangiga dhexe, wuxuuna sheegay inay taasi sabab u tahay in Soomaalida dhankooda ay haweysteen inay xilal ka qabtaan dalalka kale caalamka.“Marka aad adiga haweysato wax dadow adna waxaada waa lasoo haweysanayaa, arintaan waxay keeni doontaa dood adag oo dadka aysan ku baraarugsaneyn”ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Dalxa.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xildhiban Dalxa “Sharciga Bangiga Dhexe ee naloo keenay waa feero qaawan yahay Surwaal kaliyaa ugu jiro”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.