Xirista wadooyinka Muqdisho: DF Somalia oo ay heysato laba daran mid dooro

0
324

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliiya ayaa xirtay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, qaarkood waxaa lagu jaray dhagxaan halka kuwa kalana la dhigay ciidamo inkastoo maanta la furay qeybo badan oo kamid ah.
Dadka Muqdisho ku nool ayaa siyaabo kal duwan uga hadlay arrintaan, kuwa way soo dhaweeyeen halka kuwa kalana ay dowladda ku eedeeyeen inay caburin ku heyso shacabka isla markaasna ay ka hor taagan tahay inay raadsadaan nolol maal meedkooda.
Haddaba waxaan warbixintaan ku falanqeyn doonaa dowladda Soomaaliya oo ay heysato laba daran mid dooro.

Haddii ay dowladda Soomaaliya furto jidadka Muqdisho waxay u badan tahay inay Al-Shabaab fuliyaan qaraxyo maadaama hadda lagu hayo caburis weyn, waxaana maalmihii dambe laga nastay qaraxyadii Muqdisho wareeriyey, haddii uu qarax dhaco oo ay dhammaadaan shacab badan waxaa dowladda Soomaaliya lagu eedeenayaan inay dayacday amniga .
Haddii ay dowladda Soomaaliya xirto jidadka Muqdisho si looga hortago kuwa naftooda haligayo oo ay u muuqato dhimasho isla markaasna aan ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed waxaa dowladda lagu eedeenayaan inay dadka caburisay isla markaasna ka hor taagan tahay irsaaqadooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dhari labada dhinac ka gubanayo oo aan meelna ku baxsaneyn, waxaase muuqato inay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aanka ah in la badbaadiyo shacabka Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa muddo dhawr bil ah laga hor istaagay inay sameyso qaraxyo taasoo ay ugu wacan tahay ciidamada dowladda Soomaaliya oo dadaal dheeri ah ku bixiyey sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho.
Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay jirto sabab kale oo yareysay qaraxyadii Shabaab fulin jireen waxayna ku sheegayaan inay Shabaab soo wajahday dhaqaale xumo isla markaasna ay awoodi la’yihiin inay qaraxyo isku dayaan.
Dhagaha dadka Muqdisho ayaa muddooyinkaan ka nastay qaraxyada, waxaana la dareemayaa nafis yar oo ku aadan muhiimada ay leedahay in xoogga la saaro sidii Shabaab loogu badin lahaa cadaadiska lagu hayo.
Jidadka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamada Xasilinta oo baarayo gawaarida, inkastoo ay mararka qaar sameeyaan qaldaad ay kamid tahay inay toogasho ku dilaan shacab aan waxba galabsan haba ugu badnaadaan dhallinyarada Bajaajyada ku shaqeysto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xirista wadooyinka Muqdisho: DF Somalia oo ay heysato laba daran mid dooro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.