Xisbiga UPD oo war cusub kasoo saaray xiisadda Kenya kadib kulankii Farmaajo iyo Uhuru

0
294

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) ayaa soo dhoweeyey “dedaalka loogu jiro in xal loo helo khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.”Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD, oo u muuqda inuu jawaab u yahay safarkii madaxweyne Farmaajo ee Kenya, ayaa lagu sheegay in xisbiga uu soo dhaweynayo dib usoo celinta xiriirkii labada dal.UPD ayaa ugu baaqay xukuumada in ay ka foojignaato tallaabo kasta ama heshiis kasta oo xagal daacin kara dedaalka sharci ee ay Soomaaliya ugu jirto in ay illaashato sugnaanshaha xuduudaha iyo khayraadka dalka.Waxa uu sidoo kale ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaduba in ay si joogto ah uga warbixiyaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay qaybta ka ka yihiin si la mid ah sida dhigooda Kenya iyo Ethiopia ay xogta u la wadaagaan dadweynahooda.“Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in wargelinta dadweynuhu wax weyn ka tari karto yareynta iyo saarista shakiga laga qabo in Soomaaliya wax ku weydo dedaalada siyaasadeed ee socda iyo sida loo maareyay gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay” ayaa lagu yiri qoraalka.

{$inline_image}


SOURCE: Xisbiga UPD oo war cusub kasoo saaray xiisadda Kenya kadib kulankii Farmaajo iyo Uhuru

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.