Xog: DF oo bilowday qorshe cajiib ah oo la xiriira amniga wadada Maka al-Mukarama

0
203

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada MuqdishoKaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka.Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah.1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab.2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan.Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab. Qaraxyada ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho.Sidoo kale waa goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com  




SOURCE: Xog: DF oo bilowday qorshe cajiib ah oo la xiriira amniga wadada Maka al-Mukarama

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.