XOG dheeraad ah oo laga helayo QARAX askar badan oo Kenyan ah lagu laayey

0
333

Haluuqa (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamada Kenya lagula beegsaday gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in gaari tiknika ah oo ay la socdeen ciidamada booliska Kenya lagu qarxiyay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo ijaara oo kawada tirsan gobolka Lamu.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab  ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo kamid ahaa ciidamada Booliska Kenya.
Miino dhulka lagu aasay ayaa burburisay gaari nuuca loo yaqaan Kooyalka oo ay isticmaalayeen ciidamada Booliska, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa iyana xaqiijisay in qarax lagu weeraray gaari boolis balse waxay yareysay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxa.
Ciidamada Kenya ayaa weeraro joogto ah iyo qaraxyo kala kulmo Xarakada Al-Shabaab oo intooda badan ku dhuumaaleysanayo Keymaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 




READ MORE FROM THE SOURCE: XOG dheeraad ah oo laga helayo QARAX askar badan oo Kenyan ah lagu laayey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.