Xog dheeri ah oo ka soo baxday qaraxii ajaaniibta lagu dhaawacay maanta

0
36

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ajaanib u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala Muqdisho.Inta la xaqiijiyey 3 Injineer iyo askari la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana isla markiiba la geeyey cusbitaallada Muqdisho.“Waxaan idin xaqiijineynaa in qarax lala eegtay Injineero Somali iyo ajaaniib isugu jiray oo ka tirsan Shirkadda Korontada BECO, dhaawacyo ayaa soo gaaray iyaga oo Afar ah oo uu ku jiro Askari, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan ka dambeeyay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri Xoghayaha Degmada. Garas-baaley Musharaf Cabdi Axmed.Wararka qaar ayaa sheegaya in injineerada ajanaiibta ah ay kasoo jeedaan dalka Shiinaha.Lama qaabka iyo sababta loola beegsaday, weli kama hadlin hey’adaha amniga iyo shirkadda ay ka socdeen intaba.Maalmo kahor ayay aheyd markii Qarax gaari oo ka dhacay Degmada Hodan lagu beegsaday Dhaqaatiir isugu jirta Somali iyo Syrian, xilligaasi oo ay ku dhaawacmeen Afar Dhaqaatiir ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xog dheeri ah oo ka soo baxday qaraxii ajaaniibta lagu dhaawacay maanta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.