XOG: Dhooba Daareed oo ku sugan MUQDISHO iyo qorshaha uu u joogo

0
24

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaano, ayaa dhamaadka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho.
Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaasi.
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dhooba Daareed uu abaabulayo dhismaha maamul gobaleed la yiraahdo Maakhir State oo ka shaqeyn doona goballada Sool iyo Sanaag, waxaana abaabulka arintaan wax ka wada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cameey oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya.
Toddobaadkii tegay Camey iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhaqaale maamulka lagu dhiso weydiisteen.
Cabdixakiin Dhooba Daareed, ayaa dhow jeer lagu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana uu doonayo kala qaybinta Puntland.




SOURCE: XOG: Dhooba Daareed oo ku sugan MUQDISHO iyo qorshaha uu u joogo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.